Borama News Network

Madaxweynaha Burkina Faso Oo Kordhiyay Mushaarka Shaqaalaha Rayidka Ah

Madaxweynaha Dalka Burkina Faso ee Galbeedka Afrika waa Ibrahim Traore ayaa 50% u kordhiyey mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah ay qaataan si looga gudbo cabashada ka taagan sida uu hadalka u dhigay.

Ibraahim Traore ayaa sidoo kale qaaday tallaab kale oo 30% uu ku dhimay mushaaraadka Xildhibaannada, Wasiirrada iyo Siyaasiyiinta, waxaa ka dhashay hadal hayn badan oo la xiriirta sababta ka dambeysa arrintaas.
Traore ayaa ku dhaqaaqay dhowr arrin oo kala duwan oo ku cusub dalkaas kuwaas oo intooda badan dhaliyay hadal hayn gudaha ah iyo falanqeyn dibadda, horay waxa uu u sameeyay tallooyin ka careysiiyay Dalalka Reer Galbeedka.

Hoggaamiyaan Militariga ah ayaa dalkiisa afgambi ku qabsaday, waxa uu eryay ciidamadii shisheeye ee dalkiisa ku sugnaa maadaama uu ugu yeeray in ay yihiin dhibaatooyinka keliya ee reer Burkina Faso heysta.

Related posts

Madaxweynaha Imaaraatka oo Isbitaal ku booqday sarkaal ku dhaawacmay toogasho ka dhacday Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Safiirrada Beesha Caalamka oo Tartameyaasha ugu baaqay in ay Natiijada Aqbalaan

Abdiaziz Bnnstaff

Dad Hubaysan Oo Itoobiyan Ah Oo La Wareegay Deegan Ku Yaala Gudaha Dalka Sudan

Abdiaziz Bnnstaff