Borama News Network

Madaxweynaha kenya oo ka hadlay ciidamada ka jooga dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo booqasho ku jooga Washington ayaa difaacay go’aankiisa ku dhawaad kun askari oo booliis ah ugu diray Haiti si ay wax uga qabtaan rabshadaha halkaas ka socda.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad, ayuu Mr Ruto sheegay in dalkiisa uu kumannaan askari u diray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Soomaaliya, sidoo kalena ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay gacan ka geystaan soo afjaridda dambiyada ka dhaca Haiti.

Wuxuu sheegay in Kenya ay gacan ka geysan doonto sidii ay dhabarka uga jabin lahayd kooxaha burcadda ah ee halkaasi ku sugan.

Mareykanka ayaa boqol milyan oo dollar ugu yaboohay howlgalka. Kenya, qaar ayaa dhaleeceeyay ciidamada la geynayo dalka, sababtoo ah caqabado amni oo gudaha ka jira awgeed.

Related posts

Madaxda urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS oo maanta kulmaya iyo waxyaabaha lagaga hadlayo kulankaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Xaalada Sixir Bararka Ee Ka Taagan Dalka Nigeria Oo Halkii Ugu Saraysay Gaadhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Ka Socda Magaalada wajaale Ee At Iskugu Yimaadeen Madax Ka Socota Dalalka Geeska Africa