Borama News Network

Madaxweynaha Kenya “Waxaan qorsheynaynaa kulan dhexmara Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya”

Madaxweyneyaasha dalalka Kenya iyo Uganda ayaa qorsheyanaya in ay kulan siiyaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Aby Axmed.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto oo ka hadlayay Shir Madaxeedka 24-aad ee dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in isaga, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ka wada hadli doonaan si loo yareeyo xiisadda ka jirta Geeska Afrika.

“Madaxweyne Musaveni, aniga, Walaalkeey Xasan Sheekh iyo Abiye Axmed ayaa qorsheynayna in aan kulano. Si hoos loogu dhigo xiisada gobolka. Sababtoo ah amniga Soomaaliya waxuu qeyb ka qaataa deganaanta iyo xasiloonida gobolka” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Lama ogo in Madaxweyne Xasan Shiikh uu aqbali doono soo jeedinta Madaxda Kenya iyo Uganda, xilli hore uu sheegay in kaliya Itoobiya looga baahan yahay in ay ka noqoto heshiiska Somaliland ay la gashay ee la xiriiray badda.

Related posts

ah,Degdeg:Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay Qasa oo korortay

Abdiaziz Bnnstaff

Magaaladii Loo Dalxiisi Jaray Ee Maraykanka Oo Laga Qaxay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Dabkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Fiqiyaw Waxaa Isku Hadhi Doona Adiga Iyo Cuqdada Ku Haysa” Xildhibaan Guruuje Oo U Jawaabay Wasiir Fiqi

Abdiaziz Bnnstaff