Borama News Network

Madaxweynaha Panama oo Mareykanka ku eedeeyay inuu faafiyay warar ” been abuur ah”

Madaxweynaha Panama José Raúl Mulino ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu faafiyay warar ” been abuur ah” kadib markii waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ay sheegtay in maraakiibta dowladda Mareykanka aan looga baahneyn inay bixiyaan lacag si ay u sii maraan Kanaalka Panama.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa tan iyo markii uu dib uga laabtay hadalkii ka soo yeeray wasaaradiisa ayaa waxa uu ku tilmaamay khidmadda laga qaado maraakiibta Mareykanka “wax aan macquul ahayn” sababo la xiriira heshiis dhigaya in Mareykanka uu ilaaliyo kanaalka haddii la soo weeraro.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowr jeer ka sheegay inuu doonayo inuu dib u hanto maamulka marin biyoodka tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, wuxuuna diiday inuu meesha ka saaro in si xoog ah uu dib ugula wareego. Waxaa lagu wadaa inuu Jimcaha maanta ah la hadlo madaxweyne Mulino.

Related posts

Daawo Nuxurka Khudbadda Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Ee Xuska Maalinta dhallinyarada.

Abdiaziz Bnnstaff

Biyo la’aan ka jirta DDS oo saamayn taban ku reebtay ku dhowaad 2 Milyan oo ruux

Abdiaziz Bnnstaff

Ma Jiro Wax Maclin Ah Oo Dabaq Laga Soo Tuuray” Masuuliyiinta Waxbarashada Somaliland Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff