Borama News Network

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay “dambi” tahay haddii qofku uu waco qof ehelkiisa ah oo Al-Shabaab ku jira

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay dambi tahay in qofku uu xiriir wicitaan ah la sameeyo qof ay ehel ama qaraabo yihiin oo ku jira Al-Shabaab ama isaga lala soo sameeyo.

“Kuma soo wici karo ma wici kartid waa dambi ogow, “ ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Wuxuu sheegay in qofkaas haddii la ogaado inuu wacay qof Shabaab ku jira ama isaga la soo wacay uu qabanayo sharciga la dagaallanka argagixisada isla markaana maxkamad lagu gayn doono arrintaa.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in aan lala macaamili karin Al-Shabaab, maadama sida uu sheegay uu jiro sidoo kale xeer ku saabsan cunna-qabateynta xadidan oo saran ururada ka soo horjeeda dowladda.

Hadalkaan ayaa madaxweyne Xasan ku sheegay muuqaal lagu baahiyay barta Facebook ee Telefishinka Qaranka Soomaalia.

Related posts

Lacagta Lagu Raaco Babaska Magaalada Hargeysa Oo Shacabka Laga Jabiyay Iyo Shacabka Oo Soo Dhaweeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Maamulka Puntland Oo War Ka Soo Saaray Dadka Ajaanibka Ah Ee Laga Raafayo Deegaanadeeda

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Qadar oo bixinaysa Mushaaraadka ciidamada Lubnaan

Abdiaziz Bnnstaff