Borama News Network

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha oo kulan yeeshay kadib caleema saarkii Donald Trump

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa shir ku yeeshay hab muuqaal ah saacado yar kadib markii Donald Trump la caleema saaray Isniintii, iyagoo ballan qaaday inay xiriirkooda gaarsiin doonaan “heerkii ugu sarreeyay”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladaha labada dhinac.

Madaxweynaha Ruushka ayaa Xi ugu yeeray “saaxiib qaali ah”, Putin wuxuu sheegay in Ruushka iyo Shiinaha ay dhisayaan xiriir “ku saleysan saaxiibtinimo, kalsooni iyo caawimaad labada dhinac” inkastoo cadaadis dibadda ah uu jiro.

Xi ayaa ugu baaqay Putin “inuu sii wado xoojinta isuduwidda istiraatijiyadeed, xoojinta taageerada labada dhinac, iyo ilaalinta danaha sharciga ah”.

Trump ayaa Talaadadii ku hanjabay inuu canshuuro ku soo rogi doono Beijing, wuxuuna ku tilmaamay “ku xadgudub” Mareykanka, wuxuuna ka digay in “dhibaato weyn” ay ku imaan doonto Moscow haddii aysan sameynin heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Putin ayaa u sheegay Xi, in xal kasta oo Ukraine “ay tahay in la ixtiraamo danaha Ruushka”, sida uu sheegay lataliyaha arrimaha dibadda Yuri Ushakov oo warfidiyeenka la hadlay.

Beijing ayaa lagu eedeeyay in ay taageero militari siisay Moscow iyada oo siisay gargaar muhiim u ah dagaalka Ukraine.

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa gaaray rikoor dhan 240 bilyan oo doolar sanadkii 2023-ka, taasoo kor u kacday 64% tan iyo 2021-kii, ka hor inta uusan Ruushka weerarin Ukraine.

Related posts

“Ma $10 ee aabahay iisoo diro ayaa la cashuuraya, waar magaaladu wey qiiqoysaa shiid darteed”….Qaar Ka Mid Ah Shacabka Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

“Meel Ka Tirsan Gobolka Awdal Oo Ay Jabhadi Joogtaa Ma Jirto” Xildhibaan Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff

Ruushka oo doonaya in la soo xiro xaaskii hoggaamiyihii mucaaradka ahaa ee geeriyooday

Abdiaziz Bnnstaff