Borama News Network

Madaxweyne Ku Xigeenka Filibiin Oo Dil Ugu Hanjabtay Madaxweynaha Waddankaasi

Hey’adaha ammaanka waddanka Filibiin ayaa Sabtidi xoojiyay amniga madaxweyne Ferdinand Marcos Jr, kaddib marki ay madaxweyne ku xigeenkiisa haweeneyda lagu magacaabo Sara Duterte ay si cad ugu hanjabtay in shirqool lagu dili doono, haddii iyada la dilo.

Sara Duterte oo ah gabadh uu dhalay madaxweynihi hore ee Filibiin Rodrigo Dutere, ayaa shir jaraa’id oo ay Sabtidi shalay qabatay ku sheegtay in ay la hadashay nin dilaay ah oo ay kula heshiisay in uu khaarijiyo madaxweynaha, marwada koowaad iyo afhayeenka Baarlamaanka Filibiin, haddii iyada la dilo.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay calaamad muujineysa khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya labada qoys ee ugu awoodda badan Filibiin, ee kala ah reer Duterte iyo reer Marcos.

Taliska Nabad Suggida ee Madaxtooyada ayaa sheegay inay sare u qaadeen oo ay xoojiyeen hab-maamuuska amniga. Waxuu kaloo talisku sheegay in ay si dhow ula shaqeyneynaa hay’adaha fulinta sharciga si loo ogaado, looga hortago loona difaaco wax kasta oo khatar ku ah madaxweynaha iyo qoyskkiisa.

Taliyaha booliska, Rommel Francisco Marbil ayaa sheegay in uu amray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo, isaga oo intaa ku daray in “khatar kasta oo toos ah ama mid aan toos ahayn oo naftiisa ku soo wajahan ay tahay in si degdeg ah wax looga qabto”.

Related posts

Cabdi Wali Gaas”Maanta Soomaaliya kala goys ayey joogtaa waxaana loo baahanyahay in midnimo lagu wajaho”

Abdiaziz Bnnstaff

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar dalxiisayaal lagu laayay oo ka dhacay dalka Hindiya

Abdiaziz Bnnstaff

Kuuriyada Woqooyi oo ridday gantaalkii ugu horreeyay muddo laba bilood ah Gantaalka ayaa ku socday xawaare gaaraya 1,100km ka hor inta uusan ku dhicin badda

Abdiaziz Bnnstaff