Borama News Network

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo ku eedeeyey madaxa sirdoonka dalka inuusan xog nuxur leh u gubdin Madaxweynaha

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa si kulul u weeraray hay’adda sirdoonka qaranka oo uu ku andacoonayo in ay ku fashilantay in ay ku wargeliso madaxweyne William Ruto waqtigii loogu talo galay mudaaharaadyadii waaweynaa ee dhacay Talaadadii.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku andacoodey in Taliyaha NIS Nuurdin Xaaji uu ku guul dareystay in uu Madaxweynaha la socodsiiyo baaxadda mudaaharaadka si looga baaqsado dil, dhimasho iyo burbur.

“Anigu waxaan la danqanayaa madaxdeyda, maxaa yeeley madaxweyne William Ruto warkaan kuma soo gaarin,” Gachagua ayaa yiri.

Wuxuu intaa ku daray in haddii uu ku guul daraystay gudashada waajibaadkiisa uu Xaaji iscaliso.

“Hadii Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ay laba bilood ka hor Madaxweynaha u sheegi lahayd sida ay dadku u arkaan Hindise Sharciyeedka Maaliyadda 2024-ka, dad badan oo Kenyaan ah ma dhinteen, hanti ma burburteen, xafiisyadiina lama burburiyeen, fowdo ma dhacdeen. , laakiin shaqada ayay ka seexdeen.”ayuu intaas raaciyey Gachagua

Madaxweyne xigeenka ayaa hadalkan ka sheegayisagoo ka hadlayey hoyga uu ka degan yahay magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

Related posts

Garaadka Guud SSC Garaad Jamaac Garaad Cali Ayaa Soo Dhaweyay Shirkii Jabuuti Kuna Baaqay Midnimo Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Caalimiga Ah Ee Interbool Oo Garoowe Ka Soo Dejiyay Eedeysane Laga Soo Qabtay Dalka Dibadiisa

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Erdogan oo Falastiin ugu baaqay in ay midoobaan si ay guul u gaadhaan

Abdiaziz Bnnstaff