Borama News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha Dagaalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay furimaha dagaalka halkaas oo labadii cisho kahor uga soo tagay la kulanka wafdiga sare uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa deegaanno kala duwan dib uga abaabulaya kulamada iyo fadhiyada looga hadlayo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga qabsaday deegaannadaas.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan go’aansaday in uu furimaha dagaalka waqti kula qaato ciidamada iskaashanaya ee federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Macawiisleyda halkaas oo difaac ugu jiraan.

Ciidan katirsan ilaaladiisa oo kusoo haray degmooyin katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sare u qaaday amniga maadaama uu Madaweynaha Soomaaliya uu ku wajahan deegaanno ilaa haatan aan si rasmi ah loo shaacin.

Related posts

“Salaaddii Subax markii aan dukaday ayaan wacay xarumaha Ciidanka, warbixintii ugu horeysay ee aan helay waxey aheed in Xabad ay ku bilaabatay Deynuunaay” Madaxweyne Lafta Gareen.

Abdiaziz Bnnstaff

Midawga Yurub Oo Kormeer Ku Sameeyay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Dad Ka Badan 50 Qof Oo U Dhintay Xanuun Aan La Garanayn Gudaha Dalka Congo

Abdiaziz Bnnstaff