Borama News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hay’adaha ammaanka faray in ay baaris ku sameeyaan weerarka ka dhacay Xerada Gen Gordan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka falceliyay weerar ka dhacay Xerada Gen. Gordan ee Magaalada Muqdisho oo lagu dilay saraakiil u kala dhalatay Isutagga Imaaraatka Carabta & Baxrayn ayaa Hay’adaha ammaanka faray in ay baaris ku sameeyaan sida uu weerarkaas u dhacay.

Madaxweyne Xasan ayaa cambaareeyay weerarkaan isaga oo sheegay in saraakiisha isutagga Imaaraatka Carabta ay Soomaaliya ka caawiyaan dhinaca Amniga isaga oo fariintaan tacsida ah si gaar ah ula wadaagay ehelka xubnaha la dilay, waxaana uu hoosta ka xariiqay in baaritaanno arrintaan la xiriira ay socdaan.

Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ayuu ku booqday saraakiil dhaawac soo gaaray oo lagu daweynayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu u rajeeyay in caafimaad degdeg ah helaan, waxa uu warbixin ka dhagaystay maamulka Isbitaalkaas oo uu ka xog-warraystay xaaladdooda dhinaca caafimaadka bukaannadaas.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed” ayuu yiri MW JFS

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Weerarkaan ka dhacay xerada Gen. Gordan ee Magaalada Muqdisho waxaa socda baaris ay wadaan saraakiisha ciidamada ammaanka Dowladda oo isla xalay xeradaas gaaray, waxaa lagu wadaa in ay natiijo kasoo saaraan marka ay soo gabagabeeyaan baaristooda inkasta oo aan la ogayn muddada ay qaadan karto.

Related posts

Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ka baaqsan-jirray khudbad..

Abdiaziz Bnnstaff

Hogaamiyaha Mucaaridka La Wareegay Suuriya Oo Sheegay In Lala Xisaabtami Doona Saraakiishii Taliska Asad Ee Xabsiyada Ka Shaqeyn Jiray

Abdiaziz Bnnstaff

‘Wuxuu Ahaa Sidii Middi Dhabarka Igaga Dhacday Oo Kale” Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff