Borama News Network

Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhigiisa Turkey kala hadlay Amniga Iyo Dagaalka AS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Türkiye,  Recep Tayyip Erdoğan, xilli ay labadoodu ku sugnaayeen Madasha Diblumaasiyadda ee Antalya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale iska xog-waraystay xaaladaha gobolka iyo dadaallada socda ee lagu wajahayo caqabadaha amni.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagula tacaalayo argagixisada, isagoo uga mahadceliyey dowladda Türkiye doorkeeda ku aaddan taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dib-u-dhiska.

Madaxweyne Erdoğan ayaa dhankiisa xaqiijiyey in Türkiye ay sii wadi doonto garab istaagga ay u hayso Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyey muhiimadda ay siinayaan taageerada la xiriirta dhismaha ciidamada, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Related posts

Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay ciidamo la sheegay inay dhawaan ka soo gudbeen xadka Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaalyahanada Dalka Yeman Oo Weerarkii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Markiibta Maraykanka Ee Ku Sugan Badda Cas

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Maanta Fadhi Gaar Ah Ka Yeelanaya Howlgalka Cusub Ee Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff