Borama News Network

Madaxweyne Xasan Shiikh oo saxiixay afar sharci oo la xiriira dhaqaalaha dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u saxiixay afar sharci la xiriira dhaqaalaha dalka.

Shuruucda Madaxdaweynaha  saxiixay ayaa kala ah: Sharciga Caymiska (Takaful), Sharciga Canshuurta Dakhliga, Sharciga Hay’adaha Maaliyadeed, Sharciga Ka Hortagga Lacag Dhaqidda Sharci darrada ah iyo Maalgelinta Argagixisada.

Xeerarka ayaa sare u qaadaya hufnaanta maaliyadeed, kalsoonida maalgashadayaasha, iyo kobaca dhaqaale ee dalka, iyada oo hore ay u soo meelmariyeen labada gole ee Baarlamaanka Federaalka, Golaha Shacabka iyo Aqalka sare.

Dib-u-habayntan sharciyeed waxay xoojinayaan doorka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ee ilaalinta nidaamka maaliyadeed.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto sidii Baarlamaanka Federaalka loogu gudbin lahaa shuruucda muhiimka u ah horrumarinta dalka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Related posts

Kooxo Dabley hubaysan Ah Oo In Ka Badan 100 Qof Oo Rayid Ah Ku Dilay Rariga Dalka Burkina Faso

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg: Madax Dhaqmeed Iyo Aqoonyahan Reer Awdal Ah Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Dowlada Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Isku Day Dil Ayaa Nalala Eegtay Oo Waxaa La Lahaa Xabada Hoos Ugu Dhiga” Suldaanka Guud Ee Beelaha Isaaq

Abdiaziz Bnnstaff