Borama News Network

Madaxweynihii Koonfurta Kuuriya Oo Si Rasmi Ah Looga Mamnuucay Xafiiska

Yoon Suk Yeol, ayaa si rasmi ah waxaa looga mamnuucay dhamaan shaqooyinkii uu ka hayay xafiiska ugu sarreeya dalkaas, markii ay ahayd 1:24 daqiiqo xilliga geeska Afrika sida uu baahiyay xafiiskiisu.

Maanta ayaa baarlamaanka dalkiisu ka xayuubiyeen xilkii madaxweynenimo ee uu u hayay dalkiisa.

Xilka ayaa haatan waxaa la wareegay ra’iisul wasaaraha dalka, Han Duck-soo.

Khudabadii ugu horeysay ee uu jeediyay madaxweynaha sida kumeelgaarka ah talada dalka u hayn doona ayaa waxa uu ku sheegay, in uu awoodda saaari doono “sidii uu xaalka u dajin lahaa”iyo “in uu jawiga dadka sidii caadiga ah ugu soo celin lahaa”.

“Ka shaqsi ahaa, isla markaana dowladda masuul ka ah, waxaan dareemayaa masuuliyad culus oo iga saaran xaalka nasiib xumada ah ee aan ku jirno, waanan ka raali galinayaa dadka reer Kuuriya,” ayuu yiri Han.

Madaxweynahaan xilka sii hayn doona ayaa waxa uu sheegay in uu ka ilaalin doono dowladda “in uu firaaq dhaco” isaga oo sheegay in uu soo dhisi doonoo “haykal amni oo adag” iyo gole wasiiro oo ay diiradoodu tahay “shaqo adag oo halkeeda ku sii haysa aamniadda” ay isku qabaan wadamada Maraykanka, Japan iyo xulufada kale ee ay leeyihiin, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dadweynaha Koonfurta Kuuriya ayaa waxay wadeen dibadbaxyo joogto ah tan ilaa shantii December, iyaga oo dhaxanta u istaagayay subax walba dalabkooda ku aadan in uu booska baneeyo madaxweyne Yoon.

Related posts

Wasiir Maareeye ”Dhibaato siyaasadeed ayaa ka dhex jirta Somaliland iyo Soomaaliya laakiin Doo..”

Abdiaziz Bnnstaff

Militariga Israaiil Oo Weerar Ka Fuliyay Gudaha Dalka Suuriya. Iyo Faahfaahino Ka Soo baxaya

Abdiaziz Bnnstaff

Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Shan Qarax Oo Ka Dhacay Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff