Borama News Network

Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Degmada Xarfo oo gubay Ceelkii biyaha ay ka cabayeen!

Wararka ka imaanay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug dhanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa kusoo warramaya in halkaas uu dhacay dagaal dhexmaray labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah oo isku qabsaday ceel biyood.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa geeriyootay halka tiro kale oo aan xogtooda la helin waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii maleeshiyaadka labada dhinac ee is haya ay ku dagaalameen degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Rag hubeysan ayaa gubay matoorkii biyaha looga soo saarayay halka ay duugeen ceelka sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay waxaana laga cabsi qabaa in waxyeello kale ay dhaliso.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Puntland oo u istaagay arrintaan xal u helisteeda ayaa billaabay kulamo ay la qaadanayaan duubabka dhaqanka si loo kala dhexgalo maleeshiyaadkaan loona helo xabbad-joojin.

Related posts

Dowlada Shiinaha Oo War Ka Soo Saartay Weerarkii Ay Dowlada Iran Ku Qaaday Isreal

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii ugu dembeeyey ee xaaladda Lubnaan iyo tirada dhimashada oo gaadhay wax ka badan afar boqol

Abdiaziz Bnnstaff

Qaadashada Daawooyinka Aan Dhakhtarku Qurin Oo Sababay Dhimasho Deg deg Ah Iyo Dhakhaatiirta Oo Digniin Dirtay

Abdiaziz Bnnstaff