Borama News Network

Maraykanka Iyo Shiinaha Oo Dowlada Rwanda Ku Eedeeyay Taageerada Falaagada M23

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku booriyay madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, inuu xaqiijiyo xabbad joojin degdeg ah oo ka dhacda dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Fallaagada M23 ee ay taageerto Rwanda, ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsadeen ku dhawaad ​​guud ahaan magaalada Goma, oo ah magaalada ugu weyn bariga DRC.

Horaantii, hogaamiyeyaasha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa cambaareeyeen taageerada Rwanda ee fallaagada, waxayna ku baaqeen wadahadal nabadeed si loo so oaf-jaro colaadda.

Saraakiisha Congo ayaa sheegay, in rabshadaha ka socda magaalada Goma, ay xayireen shaqaalaha gargaarka, ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay halka ay sababtay in biyo, cunto iyo koronto la’aan ay wajahaan dadka rayidka ah.

Toban iyo todoba ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale la dilay.

Dhanka kale, caasimadda DRC ee Kinshasa, ugu yaraan toban safaaradood oo ajnabi ah ayaa la burburiyay, waxaana bililiqeystay dad dibadbaxayaal ah oo ka careysan cadaadis aan la saarin Rwanda si ay u joojiso taageerada M23

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh”Kuma rabo waxay leedahay adna kuma rabo,waa inaan ku qancaa in la iga ra’yi duwanaan karo “

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Sheegtay In Ay Culays Kala Kulan Shidaalka Ay Kala Soo Degto Dalka Jabuuti Ayna Raadinayso Meel Kale Oo Ay Kala Soo Degto Shidaalka

Abdiaziz Bnnstaff

“Hadey Itoobiya Ka Go’antahay Inay Dhulkan Imaato Anagana Way Naga Go’antahay Inaan Ku Dhimano” Wiil Dhalinyaro Somaliyeed Ah

Abdiaziz Bnnstaff