Borama News Network

Maraykanka oo codka diidmada qayaxan ee ‘Veto’ u isticmaalay qaraarka xabbad-joojinta ee dagaalka Gaza

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale ka dooday, qaraar ku baaqaya xabbad joojin bini’aadanimo, si loo joojiyo dagaalka ka socda Qaza iyo in la kordhiyo gargaarka bini’aadanimo iyo joojinta barakicinta dadka Falastiiniyiinta ah, hase ahaatee qaraarkaas waxaa hor istaagay Maraykanka, isaga oo isticmaalay codka diidmada qayaxan ee Veto.

Danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay, in aanay nabad waarta keenay, in la dalbado xabbad-joojin degdeg ah oo bilaa shuruud ah, iyada oo aan heshiis laga gaadhin in Xamaas ay sii dayso la haystayaasha gacanta ugu jira.

Muddo toddobaadyo ah ayaa Maraykanka, Masar, Qatar iyo Israa’iil waxay lahaayeen wadahadalo ku aaddan in la sii daayo dhammaan maxaabiista la haysto, isla markaana in la hakiyo dagaalka.

Danjiraha Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadani ay taas bedelkeeda sii dheeraynayso dagaalka u dhexeeya labada dhinac, isla markaana ay sii dheeraynayso wakhtiga la haysanayo maxaabiista Israa’iil iyo xaaladda bini’aadanimo ee ay ku sugan yihiin Falastiiniyiintu.

Dalka Ajeeriya ayaa soo diyaariyey qaraarkan qabyada ah isaga oo la wadaagay 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo saddex toddobaad ah ka hor.

Related posts

“Hal Waxaan Leeyey Madaxwayne Muuse Labana” Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Ka Hadlay Doorashooyinka.

Abdiaziz Bnnstaff

Cajiib Shimbir La Siidyay Darajada Ciidamada Ee Sareeye Gaas Iyo Ciidamo Salaan U Saaray Shimbirkaas

Abdiaziz Bnnstaff

Nin Turkish Ah Oo Dilay Waalidkiisa, Xaaskiisa Iyo Wiilkiisa Iyo Waxa Ku Kalifay Oo La Soo Ogaaday

Abdiaziz Bnnstaff