Borama News Network

Maraykanka Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogay Xawaalado Lacag Loo Marsiiyey Xuutiyiinta Dalka Yeman

Maraykanka ayaa Khamiistii cunaqabatayn ku soo rogay shirkado dhinaca xawaaladaha lacagta ah, oo laga kala leeyahay Turkiga iyo Yemen, ka dib markii lagu eedeeyey inay gacan ka geysteen lacagaha loo dirayo kooxda Xuutiyiinta ee gacan-saarka la leh Iran.Kooxdan ayaa lagu eedaynayaa, weerarada ay ku qaaddo maraakiibta ganacsiga ee maraya dhinaca Koonfureed ee Badda Cas.

Shirkadaha lagu soo rogay cunaqabataynta ayay ku jiraan qaar ku yaalla Sanca, iyo saddex xarumood oo dhinaca sarrifka lacagaha ah oo ku kala yaalla Turkiga iyo Yemen.

Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa ku eedaysay in shirkadahan iyo shakhsiyaadka ku lug lehiba, ay gacan ka geysteen in lacag malaayiin doollar ah loo xawilo kooxda Xuutiyiinta, iyada oo la raacayo tilmaamaha Sa’id al-Jamal oo ah fududeeye dhinaca maaliyadda ah oo u dhashay dalka Iran. Sa’id ayaa ka mida dadka cunaqabatayntu saaran tahay.

Cunaqabatayntan ayaa ka hor-istaagaysa shirkadahan iyo shakhsiyaadkani inay la baxaan hantida ka taalla Maraykanka iyo xataa lacagaha u yaalla baananka, isla markaana waxay ka hor-istaagaysaa inuu ganacsi dhexmaro shirkadaha ay leeyihiin muwaadiniinta Maraykanku.

Tallaabadan ay qaaday dawladda Maraykanku ayaa ah, tii ugu dambaysay ee ay ku bartilmaameedsanayso kooxda Xuutiyiinta.

Bilawgii bishan, waxaa Maraykanku ay ku dhawaaqeen cunaqabatayn lagu soo rogay illaa 13 qof iyo shirkado lagu eedeeyey inay xuutiyiinta gaadhsiiyeen, alaabooyin ku kacaya tobanaan milayn oo dollar oo ka yimi dalka Iran.

AP

Related posts

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Dagaalka Gaza

mustafeamiin

Sacad Muuse Hadaynu Nahay Dhaliil Baynu Qabna,Walaahi cirro Dagaalkii Ku Dhacay”Ugaas Kosaar

Abdiaziz Bnnstaff

Khilaafkii Urur Siyaasadeedka Hilaac Oo Waji Cusub Yeeshay Iyo Odayaal Beeniyay Odayaashii Sheegay In Ay Xaliyeen Khiaafkaasi

Abdiaziz Bnnstaff