Borama News Network

Maraykanka Oo Dalka Turkiga Ka Iibinaya Gantaal Ku Kacaya Lacag Dhan 304 Milyan

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay ogolaatay suurtagalnimada in 13-kii April laga iibiyo Turkiga gantaallo iyo qalab kale oo qiimahiisu dhan yahay $304 milyan.

Oggolaanshaha iibku waxaa ka mid ah in Turkiga laga iibiyo gantaalada AIM-9X Sidewinder Block II iyo AIM-120C-8 oo dhammaantooda ah gantaalada lidka diyaaradaha.

Gantaaladan ayaa ah kuwa riddada gaaban ee hawada waxaana loo adeegsadaa diyaaradaha dagaalka si ay u soo ridaan diyaaradaha kale ee dagaalka.

Gantaalkan oo culeyskiisu yahay 85 Kg, ayaa kulaylkooda ku ogaanaya bartilmaameedkiisa, isla markaana si toos ah isu hagaya, waxaana uuna xambaaraa waxyaabaha qarxa.

Laba maalmood ka hor dalalka Turkiye iyo Norway ayaa loo ogolaaday inay soo iibsadaan 300 oo gantaalladaas ah.

Related posts

Deg Deg:- Maxamed Bk Oo Shaaciyay War Cusub Iyo Barnaamij Uu Sheegay In Uu Hargaysa Ku Qabanayo

Abdiaziz Bnnstaff

“Hadhaw Buu Odhan Cirro Dad Dhintay Baa Codeeyey” Gudoomiye Hore Cabdirashiid Riyo Raac

Abdiaziz Bnnstaff

Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Dila Ee Gobolka Awdal

Abdiaziz Bnnstaff