Borama News Network

Maraykanka Oo Diyaarahii Ugu Badnaa Ka Iibinaya Dowlada Turkiga Iyo Tirada Diyaaradaha La Kala Iibsanayo

Maraykanka ayaa Turkiga u ogolaaday in uu ka iibiyo diyaaradaha qaaska u ah gaar ahaan nooca loo yaqaan F-16 oo lagu qiimeeyay lacag dhan $23 Bilyan oo Doollar sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan waaxda difaaca Dalkaas.

Tallaabadaas waxa ay ka dhalatay kaddib markii Turkiga uu Dalka Sweden u ogolaaday in uu xubin ka noqdo Isbahaysiga NATO, waxaana jiray ballanqaad Washington ay u samaysay Ankara oo ku xirnaa in ay aqbasho in Stockholm xubin ka noqoto ururkaas.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale waxa ay billowday in diyaaradaheeda Casriga ah ay ka iibiyo Dalal sida Giriigga maadaama dalkaas uu horay Washington uga dalbaday in ay ka iibiso 40 Diyaarad oo ah nooca casriga ah.

Maraykanka ayaa doonaya in uu dhaqaale badan ka sameeyo diyaaradahiisa casriga ah oo uu ka ibiinayo Dalalka uu u arko in ay saaxiibo isku fiican yihiin waana tan keentay in Washington ay diiradda ay saarto saaxiibadeed bariga Dhexe.

Turkiga waa Dalka haya hubka Isbahaysiga NATO waxaana uu in muddo ah diidanaa in Sweden ay ku biirto isbahaysigaas kaddib markii Ankara ay sheegtay in dhiggeeda Stockholm martigelisay Dad halis ku ah amniga Dalkaas.

Related posts

Fursad qaaliya oo loo hayo qurbajoogta soomaaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Trump oo u hanjabay kooxda Xamaas hadii ay siideyn weydo lahaystayaasha

Abdiaziz Bnnstaff

Puntland Raali Kama Noqon Doonto Wax Kasta Oo Kasoo Baxa Kulan Xasan Sheekh Iyo Muuse Biixi”Madaxwayne Deni”

Abdiaziz Bnnstaff