Borama News Network

Maraykanka Oo Hub Dheeraad Ah U Diraya Dalka Ukraine Iyo Wararkii Ugu Dambeyay

Mareykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu Dowladda Ukraine ugu deeqayo gargaar ka kooban saanado millatari oo ku kaceysa lacag dhan $125 milyan, kuwaas oo ay ku jiraan gantaallada oo xirmo gargaar militari ah oo ay ku jiraan gantaalada Stinger-ka loo yaqaanno ee garbaha laga tuuro ee uu Mareykanka sameeyo iyo madaafiicda lidka taangiyada.

Deeqdan millatari ee uu Mareykanka u dirayo Ukraine ayaa timid, kaddib marki uu Ruushka xoojiyay dagaalka Ukraine, iyadoo weeraradi u danbeeyay lagu dilay dad rayid ah.

Xirmadaan hub ayaa ah tii tobnaad ee uu Mareykanka siinayo Ukraine tan iyo marki uu madaxweyne Joe Biden saxiixay xeerka qoondada kaabista ammaanka Ukrane bishii April. Mareykanka wuxuu ansixiyay lacag dhan 175 bilyan oo dollar oo la siiyay Ukraine, tan iyo wixi ka danbeeyay duullaanki uu Ruushka ku qaaday Ukraine bishi Febraayo ee sannadki 2022-ki.

Ku dhawaaqista hubka cusub ee uu Mareykanka siinayo Ukraine ayaa ku soo beegantahay saacado yar kaddib marki gantaal laga soo tuuray Ruushka uu ku dhacay suuq ku yaalla magaalada Kostiantynivka, ee dalka Ukraine, halkaas oo la xaqiijiyay in ugu yaraan 14 qof ay ku dhinteen.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa bartiisa X ku sheegay, in Ruushka uu mas’uul ka yahay weerarkaasi. Ruushka wali kama aysan hadlin arrintaasi.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Ku Hawlan Qorshayaal Isdhex Gal Oo Ay La Yeelato Dalalka Dariska La Tahay

Abdiaziz Bnnstaff

“Somaliya waxa u hadhay uun inay awood Ciidan inoo adeegsato…” Siyaasi Cali Qoryoolay Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya

Abdiaziz Bnnstaff

“Cabdiraxmaan Cirro Waxaanu Kala Shaqaynayna in $400 oo Dollar Ciidanku ay Qaataan”Xil Barkhad Batun

Abdiaziz Bnnstaff