Borama News Network

Maraykanka oo Israaiil siinaya hub cusub oo ku fadhiya $2.5 Bilyan oo Doollar

Dowladda Maraykanka ayaa kordhinaysa taageerada dhinaca Militariga ah ee ay siinayso Xukuumadda Israaiil waxaana ay Washington ay qorshaysay in ay dhiggeeda Tel Aviv u gacangeliyo hub cusub oo casri ah.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in qiimaha hubkaas uu ku kacayo lagu qaddaray $2.5 Bilyan oo doollar waxaana suuragal ah in kharashka uu intaas kasii bato maadaama taageerrada ay tahay mid had iyo jeer u furan Israaiil.

Washington ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay garab istaagga Tel Aviv sabab la xiriirta in taangiyadii casriga ahaa ee lacagta badan ay kasoo bixisay in lagu gubay dagaalladii ka dhacay Magaalada Gaza sidaas awgeed ay ku qasban tahay in ay hub kale siiso.

Maraykanka ayaa in muddo ah waxa uu si isdaba-joog ah hub u siinayay Israaiil balse uma suuragelin hadafkii ay ka lahayd oo ah soo furashada maxaabiistii laga soo qafaashay deegaannada ay xoogga ku sugan 7dii Oktoobar 2023.

Dhinaca Kale, Ra’iisul Wasaaraha Culayska xooggan dareemaya ee Israaiil ayaa wakiillada uu u diray wadahadallada ku amray in ay dadejiyaan wada-xaajoodka ay la galayaan mas’uuliyiinta ka socota Falastiin gaar ahaan Xamaas si is faham maxaabiis is dhaafsi ah markale uu u dhaco.

Related posts

Fadhigii Golaha Guurtida Ee Maanta Si Deg Deg Ah Loo Fasaxay Ka Dib Buuq Xoogan Oo Dhex Bilaabmay Golaha

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Xoghayaha Guud Ee Ururka Jaamacada Carabta Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wasiirada Somaliya Oo Maanta Ansixiyay Xeerarka Doorashooyinka Iyo Xisbiyada Siyaasada Dalka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff