Borama News Network

Maraykanka Oo Isreal Waydiistay macluumaadka muwaadin looga dilay Marinka Rafax.

Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa xaqiijisay geerida muwaadin haysta dhalashada Dalkaas oo lagu dilay Marinka Rafax waxaana loo badinayaa in ay ka dambeeyeen ciidanka Israaiil oo muddooyinkii dambe toogasho gaysanayay.

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa Israaiil hordhigay in ay xog ka siiso muwaadinkaan la dilay, waxa uu afhayeenku walaac ka muujiyay muwaadiniinta kale ee ameerikaanka ah ee bariga dhexe ku sugan.

Warbaahinta Maraykanka ayaa aad u hadal haysa arrintaan iyada oo warbixinno isdaba-joog ah ka qoraya halka ay iska indha-tirayaan kumanaanka kale ee Falastiiniyiinta ah ee aanay haysan dhalashada Dalkaas ee sida joogtada ah ugu dhinta duqaynta & Toogashada Israaiil.

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka John Kirby ayaa qiray saacado kahor inta aanay warbixintaan bannaanka usoo bixin in ay aad ugu walaacsan yihiin geerida muwaadinta ameerikaanka ah ee Dhulka Falastiin lagu dilay.

Hubka Israaiil ay dhibaatadu ku gaysanayso Dalka bixiya waa Maraykanka waxaana uu cataaw billaabaa marka muwaadin haysta dhalashadiisa dhib ku gaaro hubkaas, sidoo kale Maamulka Madaxweyne Biden waxaa ku furan dacwado ay gudbiyeen muwaadiniin kale oo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin kuwaas oo sheegay in Xukuumaddu dayacday xubno qoyskooda ah.

Related posts

Tirada Dadka Ku Dhintay Xajka Oo La Shaaciyay In Ay Kor Dhaafeen Kun Qof Imisa Qof Ayaana Somali Ah?

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Somaliya Oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Hotal SYL Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkaasi Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

” Madaxweyne Cirro wuu ku mahadsan yahay inuu caawa abwaanadii iyo Fanaaniitii qiimeeyey ..”

Abdiaziz Bnnstaff