Borama News Network

Maraykanka oo sheegtay in uu burburiyay hub Xuutiyiintu u isticmaalayeen weerarrada Badda

War kasoo baxay Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Dalkaas howlgal ay fuliyeen ay ku burburiyeen hubka Kooxaha Xuutiyiinta Yemen ay u adeegsanayeen weerarrada dhinaca Badda sida Diyaaradaha aan duulliyaha la socon Drones-ka & Gantaallo.

Maraykanka ayaa sheegay in howlgalkaan ay ku dhaqaaqeen kaddib markii ay heleen xogo ku filan oo ugu dambayn lagu burburiyay hubkaan oo halis wayn ku ahaa Maraakiibta Dalkaas iyo waddamada kale ee xulufada la ah Israaiil.

Taliska ciidamada Badda Maraykanka ayaa sheegay in howlgalkaan ooh aa mid gaar ah lagu gaaray bartilmaameedkii laga lahaa taasina ay dhabarka ka jebisay kooxaha Xuutiyiinta Yemen ee bilihii lasoo dhaafay dhowr weerar badda Cas ka fuliyay.

Wixii ka dambeeyay Bishii Nofeember sanadkii hore 2023 waxa ay Xuutiyiintu fuliyeen weerarro qaarkood ay kusoo qabsadeen Maraakiib uu kamid yahay mid laga leeyahay Israaiil halka ay dhaawac u gaysteen maraakiib si dirqi ah uga badbaaday.

Xuutiyiinta ayaa joojinta weerarradooda ku xiray in Israaiil ay joojiso xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta, haddii aanay joojin weerarradaas ayay ku goodiyeen in ay ku beegsan doonnaan duqaymo xooggan iyo kuwo ka dhan ah Maraakiibtooda.

Weli ma jiro war kasoo baxay Kooxda Xuutiga ah ee fadhigeedu yahay Dalka Yemen isla markaana gacanta ku haysa dhul-baaxad wayn oo katirsan Jamhuuriyadda Dalkaas, sidoo kale Maraykanka sooma bandhigin caddaymo muujinaya weerarkaas.

Related posts

” Maanta ilaa maalintii la caleemo saaray waanu is Ag-joognay… ” Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Aaska Suldaan Bare Xaji

Abdiaziz Bnnstaff

Siyaasi Jamaal Cabdi Muuse oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Lagu Soo Dhaweeyay Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan fowziyo Yuusuf Oo Ku Dhawaaqday In Ay Tahay Musharax Xilka Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika

Abdiaziz Bnnstaff