Borama News Network

Maraykanka Oo Walaac Xoogan ka Muujiyay In Uu Ruushku Kala Wareego Kacan Ku Hayntiisii Qaarada Africa

Maraykanka ayaa aad uga walaacsan qorshaha Ruushka uu isugu faafinayo Qaaradda Afrika, welwelka Xukuumadda Washington ayaa sii kordhayay saddexdii sano ee lasoo dhaafay oo ku beegan markii Moscow ay faraha la gashay dagaalka Ukraine.

Ruushka ayaa samaystay saaxiibo si toos ah ugu xiran oo ku sugan Qaaradda Afrika iyada oo si aan ka gambasho lahayn ay u dhaceen dibadbaxyo lagu garab istaagay duullaanka Xukuumadda Moscow ay ku qaadday dhiggeeda Kyiv.

Maraykanka oo in muddo ah ka riixayay Ruushka iyo Shiinaha in ay galangal ku yeeshaan Afrika ayaa markaan ka walaacsan tallaabooyinka ay qaadayso Xukuumadda Moscow oo ay ku kasbatay saaxiibo badan oo Qaaradda ah.

Waxyaabaha inta badan kordhiyay cilaaqaadka Ruushka iyo Afrika ayay khubarrada si dhow uga xog-warranta ku sifeeyeen in Moscow ay gargaar bani aadamnimo siisay Dalalka saaxiibtinimada dheer la yeetay xili uu xaalka ku adag yahay.

Aragtida baahi-tirka Dalalka Geeska Afrika ee Ruushka uu sameeyay waxa uu soo jiitay Waddamo badan oo Qaaradda dhaca kuwaas oo ugu yaraan dalalkaan xiriirka fiican la wadaago Moscow mid weliba uu ka helay kaalmo bilaash ah.

Related posts

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Mar Kale Faahfaahin Ka Bixisay Heshiiska Ay Itoobiya La Gashay Iyo Xogo Cusub

Abdiaziz Bnnstaff

Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Ew Xisbiga Wadani Oo War Ka Soo Saaray Cayimaadii Wakhtiga Doorashada Ay Dhacayso

Abdiaziz Bnnstaff

Antonio Guterres: “2.3 Milyan oo ruux ayaa guryo & Xasilooni la’aan ku haysata Rafax”.

Abdiaziz Bnnstaff