Borama News Network

Maraykanka oo xakamaynaya shirkadaha u ololeeya Shiinaha

Shirkadaha ka dhex ololeeya dawladda Maraykanka ayaa bilaabay inay iska diidaan macaamiisha u dhashay dalka Shiinaha, xilli sharci-dejiyayaasha Maraykanku ay ku hawlan yihiin inay soo saaraan shuruuc lagu adkaynayo adeegyada loo qabto macaamiisha ka soo jeeda Shiinaha, xilli ay soo badanayaan walaaca laga qabo saamaynta Shiinaha.

Sharci-dejiyayaasha Maraykanka ayaa sheegay inay dabada ka riixayaan, sharci waajibinaya in kor loo qaado daahfurnaanta, shakhsiyaadka u ololeeya Shirkadaha Shiinaha. Sharci-dejiyayaasha ayaa doonaya inay ka hor-istaagaan xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha iyo Ciidamada Shiinuhu inay goldaloolooyinka sharci, si sir ah ugu adeegsadaan inay ku gaadhaan danohooda, kuwaas oo dhaawici kara danaha shacabka Maraykanka.

Senator John Cornyn ayaa toddobaadkii hore u sheegay laanta ku hadasha afka Mandarin ee VOA in sharci-dejiyayaasha Maraykanku ay haatan sharcigaas qabyada ah marinayaan meel gebogebo ah.

Sannadkii hore waxaa aqalka sare ee Senateka Maraykanku uu meelmariyey sharci waajibinaya in la soo bandhigo saamaynta dalalka ajnebiga ah ee adeegsanaya adeegyada ku xusan sharciga “ololaynta” ee Maraykanka.

Related posts

Dowlada Iran Oo Markii Ugu Horaysay Ku Kuulaystay In Ay Soo Saarto Tareen Casri Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Nairobi kula kulmay Geelle Iyo William Ruto

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Gudi U Saartay Xadhiidhka Ka Dhaxeeya Axmed Madoobe Iyo Alshabaab

Abdiaziz Bnnstaff