Borama News Network

Maraykanka oo Xulafadiisa uga digay weerar ay qorsheysay Iiraan

War kasoo baxay Dowladda Maraykanka ayaa Digniin xooggan loogu diray xulufada uu ku leeyahay Bariga Dhexe isaga oo uga digay weerarro jawaab ah oo Iiraan ugu aargudi doonto weerarradii ka dhacay Dalkeeda.

Maraykanka ayaa ayaa sheegay in muddo 48 saac gudahood ah weerarro culus ay geysan doonto Dowladda Islaamiga ah ee Iiraan, waxa uu digniin u diray Muwaadiniintiisa oo uga digay in socodkoodu bato maadaama cabsida heerkaas la eg ay taagan tahay.

Dadka ugu nugul in la beegsado ee haysta dhalashada Dalka Maraykanka ayaa warkaan lagu gaarsiiyay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah si aanay khatar ula kulmin mar haddii aan la garanayn goob gaar ah oo bartilmaameedka Iiraan noqon karo.

Warbaahinta Maraykanka ayaa dhowaan warbixinno ay ka qortay ficilka Jawaabta ah ee Iiraan ka imaan kara waxa ay ku sheegtay in muddo kooban weerarradaas ay dhici karaan, duullaanka xooggiisana uu ka dhici karo Deegaannada ay xoogga ku joogto Israaiil.

Related posts

Reysal wasaaraha Dalka Hindiya Oo Booqanaya Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff

‘’Anigoo Reerka Muuse Biixi Ah u Codayn Maayo, Waayo Qarankii Ayuu Jabiyay’’Shacabka Hargaysa

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgal Qorsheysan Ku Dilay Xubno Katirsan Kooxda Al Shabaab

Abdiaziz Bnnstaff