Borama News Network

Mareykanka iyo Colombia oo ugu dambeyn heshiiyay kadib markii dalabaadka Trump la aqbalay

Mareykanka ayaa ka haray go’ankii hore ee ahaa in canshuur ku soo rogi doono badeecadaha dalka Colombia, kadib markii uu dalkaas xayirad la’aan ogolaaday inuu qaabilo muhaajiriin laga soo tarxiilay Mareykanka, sida uu sheegay aqalka cad.

Trump ayaa amar ku bixiyay in canshuur 25% lagu soo rogo dhamaan badeecadaha ka yimaada wadanka Colombia, kadib markii madaxweynaha dalkaas uu diiday in laba diyaaradood oo milatari oo Mareykanku leeyahay ka caga dhigato dalkaas, kuwaas oo siday dad muhaajiriin ah.

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro oo jawaab ka bixiyay arintaas, ayaa sheegay in dalkiisu ogolaan doono dadka la soo tarxiilay hadii lagu keeno “diyaarado shacab”, iyadoo aan dadkaas loola dhaqmeyn sida dad “dambiilayaal ookale.

Qoraal ka soo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in Colombia ay haatan ogolaatay inay soo dhoweyso muhaajiriinta lagu keeno diyaaradaha milatari.

Khilaafka labada dala ayaa haatan la xaliyay, wuxuuna aqalka cad sheegay in Colombia ay haatan ogolaatay dhamaan “dalabaadka madaxweyne Trump”.

Related posts

M.Xasan Sheekh “ Cawaaqib Xumada ka Dhalan karta is-afgaradkan Waa Wax aad looga Xumaado

Abdiaziz Bnnstaff

Waxaan Dhamaan Umada Muslimiinta Waxaan Leeyahay Farxad Ku Ciida” Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Xirsi Xaaji

Abdiaziz Bnnstaff

Sababta Madaxwaynuhu Miisaaniyada U Diiday Waa Sadexda Milyan Ee Miisaaniyada Ugu Jirta Gobolka Awdal” Xildhibaan Cabdiqani

Abdiaziz Bnnstaff