Borama News Network

Mareykanka iyo Ingiriiska oo duqeeyay fariisimo ay leeyihiinta Xuutiyiinta Yemen

Ciidamada qalabka sida ee Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla dalka Yemen, iyagoo uga aargoosanaya weerarrada ay kooxda Xuutiyiinta ku qaaday maraakiib marayay badda cas.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka ah ay duqeeyeen saddex iyo toban bartilmaameed oo ku yaalla deegaannada ay Xuutiyiinta maamulaan, ayna soo rideen 8 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah.

Telefishinka Xuutiyiinta Al Masirah ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen ( toban kalena ay ku dhaawacmeen) weerar ay ku qaadeen dhismo raadiye oo ku yaalla magaalada Xudeydah.

Bilihii la soo dhaafay Xuutiyiinta ayaa weerar ku qaaday maraakiibta caalamiga ah ee mara badda cas, taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

Related posts

Dunida Oo Si Wayn Uga Cadhootay Talaabo Ay Qaaday Dowlada Maraykanka Iyo Dhaleecayn Xoogan Oo Loo Jeediyay Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff

”Jabkii 25 August Ciidanka Ku Dhacay Waxa Kaga Daran Warqadan Ay Soo Saareen Jabkeeda” Xisbiga Wadani

Xulufadooda Carabta Iyo Ciidamada RSF Ee Dalka Sudan Oo Lagu Eedeynayo Xasuuqa Beel Gaar Ah