Borama News Network

Mareykanka oo duqeyay deegaanno Xuutiyiinta Yemen iyo faahfaahin ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay Yemen

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo Axadii shalay ka dhacday caasimadda Sanca, sida uu sheegay TV-ga Al Masirah ee xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta Yemen. Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay inay duqeeyeen boqollaal bartilmaameedyo Xuuthiyiinta tan iyo bartamihii bishii Maarso.

Telefishinka Al Masirah ayaa sheegay in duqeynta ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Thaqban ee degmada Bani Al Xaarith ee waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Sanca uu sababay dhimashada 8-ruux oo ay ku jiraan caruur iyo haween iyo tiro dhaawac ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in duqeyntaasi lala beegsaday saddex guri oo ku yaalla deegaankaasi.

Kanaalka ayaa baahiyey muuqaalo muujinaya burburka guryaha iyo baabuurta burburay, iyo dhiig dhulka ka muuqanaya , iyadoo samatabixiyaashu ay ururinayeen wax u muuqday haraaga bani’aadam oo ku jira maro cad. Telefishinka oo soo xiganaya wariyahooda ayaa leh, “Waxaa jira haraaga jirka haween iyo caruur” goobta yaalla.

Horay kooxda Xuuthiyiinta ayaa u sheegtay in qeybo kale oo ka mid ah dalka ay ka dhaceen duqeymo uu Mareykanka ka fuliyay, gaar ahaan Sacda iyo gobolka Amran ee waqooyiga dalkaasi.

Related posts

Ruushka Oo Hawada Sare U Diray Dayax Gacmeed Maraykanku Uu Ku Tilmaamay Hub Lagu Burburinayo Dayaxgacmeedyada Hawada Sare Ku Sugan

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Kenya Oo Sheegay In Ay Somaliya La Wareegi Doonaan Kooxa Hubaysani Hadii Ay Ka Baxaan Ciidanka Atmis

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Sheegtay Ayna Itoobiya Bad Ka Siinayn Biyaha Gacanka Cadmeed

Abdiaziz Bnnstaff