Borama News Network

Mareykanka Oo Gantaallada Difaaca Cirka Iyo Askar u Diraya Israel

Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqday in ay gantaallo casri ah oo nooca difaaca cirka ah ee loo yaqaan THAAD iyo ciidamo Mareykana ah u direyso Israel, si ay u xoojiso nidaamka difaaca cirka Israel, maalmo kaddib markii ay Iran madaafiic ku garaacday Israel.

Madaxweyne Joe Biden ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu difaacayo Israel, waxaana tani ay ku soo beegantay iyada oo la filayo in Israel ay jawaab ka bixisyo duqeynti cusleyd ee ay 1-di bishan October kala kulantay Iran oo ku garaacday in ka badan 180 gantaallada guuxooda ka dheereeya ah.

Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee looga arrimiyo Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan in ay qeyb ka tahay taageero ballaaran oo uu Mareykanka bilihi la soo dhaafayay siinayay Israel, si buu yiri looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageero danaha Mareykanka ee gobolka.

Dhanka kale, ciidamada Israel ayaa sii xoojiyay weerarka ay ka wadaan maalmahaan waqooyiga Gaza, iyada oo taangiyadooda ay gunta u sii galayaan magaalada, gaar ahaan degmada Sheekh Ridwaan, halkaas oo qoysas badan ay ka carareen guryahooda.

Aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah, duqeyn cirka ah oo ay ciidanka Israel ku beegsadeen teendhooyin ay jiifeen dad barakac ah oo ku taalla gudaha Isbitaalka Al-Aqsa ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 3 qof, halka 40 kalana ku dhaawacmeen.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in bartamaha Gaza gaar ahaan Deyral Balax ay ku nool yihiin ugu yaraan hal milyan oo Falastiinyiin u badan barakac.

Related posts

“Doorashooyinkii Baa Loo Dhaqaaqay” Komishanka Doorashooyinka Somaaliland Iyo Gudiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxwayne Xasan Sheekh Maxmuud Iyo Madaxwayne Isaisas Afwerki Oo Kulan Ku Yeeshay Asmara

Abdiaziz Bnnstaff

”In Dhowr Iyo Toban Sano Aan Dastuur Daba Taagnaano Ma’ahan, Waa In Aan Isbedel Samaynaa’.Raysal Wasaare Xamde Bare

Abdiaziz Bnnstaff