Borama News Network

Mareykanka oo ku faanay in boqollaal duqeymo dhanka cirka ah uu ka gaystay Yemen

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeeyay in ka badan 1,000 bartilmaameed oo Yemen ku yaalla tan iyo markii Washington ay billowday ololaheeda xooggan ee ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta ee Yemen bartamihii bishii Maarso, Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqay hadalkaan.

Tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay Marinka Qasa, kooxda ayaa qaaday tobanaan weerar oo gantaallo ah oo ka dhan ah Israa’iil iyo maraakiib ku sugan badda cas oo ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin.

Mareykanka ayaa weeraradaas Xuutiyiinta ku dhawaad​​maalin walba waxa uu kaga jawaabaa duulaan uu ku hayo deegaanada Xuutiyiinta.

Ka dib ku dhawaaqista Pentagon-ka, Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay xalay in ciidamada Britain iyo Mareykanka ay ka qeybqaateen howlgal militari oo wadajir ah oo ka dhacay Yemen Talaadadii.

Weerarka ayaa sida warbixinta lagu sheegay la qaaday xilli habeen ah, oo dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ah uu yaryahay. Diyaaradda weerarka qaadday ayaa sidoo kale la sheegay in ay soo laabatay iyadoo bed-qabta.

Related posts

Somaliland oo noqatay dalka kali ah ee Afrika ee galay Xasilooni Siyaasadeed

Abdiaziz Bnnstaff

“Xeerkaas la ansixiyay Reer Somaliland ayuu kala kaxaynayaa.” Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Abdiaziz Bnnstaff

Baroordiiq looga dhawaaqay Iran iyo dadka oo loogu baaqay in ay guryaha joogaan

Abdiaziz Bnnstaff