Borama News Network

Mareykanka oo maxkamadeynaya Tahriibayaal ka soo gudbay xadka Mexico

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay dacwo ciqaabeed ku oogtay muhaajiriin iyo magangalyo-doon lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah uga gudbeen aag ciidan oo dhawaan laga sameeyay xadka koonfureed ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico.

Ku dhowaad 28 qof ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay ku xad-gudbid xeerarka amniga, taasoo ah dambiga fudud, balse leh ciqaabo adag.

Sida uu dhigayo xeerka Mareykanka, qof kasta oo ku xadgudba xeerarka amniga waxaa lagu ganaaki karaa illaa $100,000 ama xabsi gaaraya hal sano — ama labadaba.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu kordhiyay tallaabooyinkiisa ka dhanka ah dadka socdaalka ee doonaya in ay ka soo gudbaan xadka Mexico.

Related posts

Doorasho Gali Mayno Ilaa Inta La Ansixinayo Gobolnimada Gabilay” Waxgaradka Gabilay Oo Hadlay

Soomaaliya oo ka jawaabtay waxa uu yahay marin badeedka uu sheegay Turkigu in la siinayo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

“Cali Xaamud Shirka Saaka Golohooga Waxa U Matalayey Godoomiye Fartoon…”Wasiir Buuni Oo U Jawaabay Cali Xaamud

Abdiaziz Bnnstaff