Borama News Network

Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay inuu jabiyay xeerka hubka

Mareykanka ayaa Arbacadi shalay Ruushka ku eedeeyay inuu jebiyay, xayiraadda caalamiga ah ee saaran hubka ka sameysan suntan kiimikaca ee Kolorobikiin oo ah kiimiko dadka neefta ku xirta.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku eedeysay Ruushka, in suntan uu u adeegsaday ciidamada Ukraine. Waxay kaloo waaxdu sheegtay, in ciidanka Ruushka ay sidoo kale dagaalka Ukraine u adeegsadeen kiimikada dadka lagu kala eryo ee waxyeelleysa indhaha, cunto-mareenka, sambabka iyo afka.

Mareykanku wuxuu sheegay in isticmaalka kiimakooyinkan ee ciidanka Ruushka aysan ku koobneyn hal dhacdo, balse ay qeyb ka tahay damaca Ruushka uu ku doonayo inuu dhufeysyada uga saaro ciidamada Ukraine iyo inuu libin ka gaaro xeeladihiisa dagaalka.

Dhaleeceyntan ayaa kusoo beegantay xilli uu Ruushka Arbacadi shalay gantaal baalistik ah ku bartilmaameedsaday magaalada dekadda leh ee Odesa ee dalka Ukriane, weerarkaas oo ay ku dhinteen shan qof.

Related posts

Madaxweyinii Talada Laga Riday Ee Gabon Iyo Labo Wiil Oo Dhalay Oo Cunto Ka Sumoobay

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Soo Saaray Digniin Khatarteeda Wadata Oo Ku Waajahan Magaalada Muqdisho Iyo Muwaadiniintiisa Ku Sugan Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa isbaddel ah oo lagu sameeyay sanadkaan qaabka loo qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare?

Abdiaziz Bnnstaff