Borama News Network

Mareykanka oo shaaciyay deeq hannaanka difaaca hawada ah oo la siinayo Ukraine

Madaxweyne Biden oo martigelinaya shir-madaxeedka shan iyo toddobaatan-guuradii NATO oo Washington ka dhacaya ayaa u sheegay hoggaamiyeyaasha ka qayb galaya in ururku uu yahay isbahaysiga difaaca ee ugu weyn uguna waxtarka badan adduunka.

Mr Biden ayaa shir-madaxeedka furay isagoo ku dhawaaqay in Washington iyo xulafadeedu ay Ukraine siin doonaan shan hab oo difaaca cirka ah oo ay ku jiraan baytariyada gantaalaha Patriot.

Isagoo u hadlayay si xallad leh ayuu Mr Biden ku adkaystay in Ukraine ay awood u leedahay ka jortagga Vladimir Putin.

Madaxweyne Zelensky, ayaa soo dhaweeyay deeqda laakiin wuxuu sheegay inaysan ku filn

Wuxuu ugu baaqay Maraykanka in aan laga tanaasulin ka hortagga gardarrada Ruushka.

Mr Zelensky ayaa sidoo kale ku booriyay Mareykanka in aan laga daahin tagaeerada la shaaciyay in dalkiisa la siin doono.

Related posts

Qaybo ka mid ah dalka Nigeria oo daadad harqiyeen iyo malaayiin qof oo ku barakacay

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Oo Odayaasha Somaliland ku Booriyay Inay Doorkooda ka Qaataan Difaaca Badda Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Sheegtay In Ay Weli Jawaab Ka Sugeyso Itoobiya Oo Ay U Balanqaaday Deked Ay Si Gaar Ah Wax Ugala Soo Degto

Abdiaziz Bnnstaff