Borama News Network

Mareykanka oo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya

Sarkaal sare oo ahaa madaxa kooxda Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen xubno ka tirsan waaxda sirdoonka qaranka Ciraaq iyo xoogagga uu Mareykanku horkacayo, sida uu sheegay raysal wasaaraha Ciraaq.

Abdallah Makki Muslih al-Rifai, oo sidoo kale loo yaqaanno Abu Khadijah, “waxaa loo arkaa mid ka mid ah argagixisada ugu khatarsan Ciraaq iyo adduunka”, ayuu yiri Raysal Wasaare Mohammed Shia al-Sudani.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa yiri “waxaa si aan gaabis lahayn u ugaarsaday diyaaradaheenna dagaalka”.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Khamiistii duqeymo cirka ah ay ka fuliyeen gobolka Al Anbar ee galbeedka Ciraaq, kaas oo lagu dilay mid ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan Daacish.

Rifai wuxuu ahaa madaxa guddiga ugu muhiimsan Daacish ee go’aamada fuliya wuxuuna mas’uul ka ahaa howlgallada, farsamada, iyo qorshooyinka ay Daacish ka duliyaan adduunka oo dhan, sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Mareykanka.

Related posts

Ciidankii Yuhuuda Oo Ku Hongoobay Dagaalkii Qaza Iskagana Yaacay Qaybo Ka Mid Ah Magaalada

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynayaasha Imaaraadka iyo Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Abu Dhabi

Abdiaziz Bnnstaff

Israa’iil oo weerar baahsan ku qaaday Daanta Galbeed ee lahaysto

Abdiaziz Bnnstaff