Borama News Network

Mareykanka oo sheegay inay duqaymo dhanka cirka ah ku qaadeen Xuutiyiinta

Milateriga Maraykanka ayaa Sabtidii sheegay inay duqaymo dhanka cirka ah ku qaadeen bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee caasimadda Yemen ee Sanca, oo ay ku jiraan xarun lagu kaydiyo gantaallada iyo xarun laga hago, saacado kaddib markii Xuutiyiinta ay gantaalka magaalada Tel Aviv oo ah xarunta ganacsiga Israa’iil.

Gantaalkan oo ay ku dhaawacmeen 16 qof ayaa noqonaya kii labaad oo muddo labo maalmood gudahood ah lagu weeraro.

Waxaa xusid mudan in ciidamada Israa’iil ay sabtidii shaaciyeen in ay qabteen diyaarad aan duuliye lahayn oo gudaha hawada Israa’iil soo gashay taas oo ka timid dhanka bari, saacado kadib markii 16 qof lagu dhaawacay magaalada Tel Aviv ka dib gantaal ay kooxda Xuutiyiinta Ansar Allah ka soo tuureen dalka Yemen.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inay qaadeen duqaymo bartilmaameedkoodu la saxay Sabtidii, shalay ahayd, oo ay la beegsadeen xarun lagu kaydiyo gantaallada iyo xarun laga maamulo oo ay leeyihiin Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto taas oo ku taal caasimadda Yemen ee Sanca.

Related posts

Shirkadda WhatsApp Oo War Cusub Soo Saartay Iyo Waxyaabaha Ku Soo Kordhay WhatsApp

“Waxaan doonayaa in aan ka shaqeeyo wixii shacabka lagu midayn karo” Boqor Buurmadow Oo Hargaysa Lagu Soo Dhaweeyay

Abdiaziz Bnnstaff

“Qof Nolosha ka dhacay ayaa maalin walba danta Caamka inooga sheekaynaya”Wasiir Cali Mareexaan

Abdiaziz Bnnstaff