Borama News Network

Mareykanka Qadar iyo Masar oo ku baaqay in Israa’iil iyo Xamaas ay dib u billaabaan wadahadallada

Maraykanka, Masar iyo Qatar ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ugu baaqayaan Israa’iil iyo Xamaas inay dib u billaabaan wadahadallada xabbad-joojinta iyo sii deynta la-haystayaasha.

Israa’iil waxay sheegtay inay dad u diri doonto gorgortanka wada-hadallada la soo jeediyay, kuwaasoo oo la sheegay inay Doha ama Qaahira ka dhacayaan 15-ka Agoosto. Xamaas durba kama aysan jawaabin baaqaas.

Cadaadiska diblumaasiyadeed ee soo cusboonaaday ayaa loo arki doonaa isku day lagu doonayo in lagu joojiyo xiisadaha gobolka oo faraha ka sii baxaysa, ka dib markii la dilay hoggaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh todobaadkii hore. Iran, oo dilkaas ku eedeysay Israel, ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto – inkastoo Israel aysan si toos ah uga hadlin dilka.

Related posts

” Somaliya Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya Wax Ay Ka Badali Kartaa Ma Jirto…” Xuseen Aadan Dayr.

Abdiaziz Bnnstaff

“Amxaar Aqoonsi ku heli Maysaan Reer Awdalna Somalilanimo kama Tagayaan” Abwaan Liiro Oo Afka Furtay

Abdiaziz Bnnstaff

Kenya oo sheegtay inay 600 Askari Soomaali kasoo baxsaday dagaalkii Raaskambooni.

Abdiaziz Bnnstaff