Borama News Network

Markabka Shidaalka Ka Baaraya Soomaaliya Oo Ka Soo Gudbaya Kanaalka Suez

Markabka shidaalka ka baari doona xeebaha Galmudug ayaa maanta ka gudbaya kanaalka Suez isagoo ku sii jeeda Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Dawladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa bartiisa X ku qoray sheekada la xiriirta markabka ku wajahan badda Soomaaliya gaar ahaan tan Galmudug oo lagu wado in uu ka sameeyo baarista loo yaqaano 3D oo ka macno ah helitaanka halka ugu fiican ee laga daloolin karo ceelka shidaalka ee la qodayo.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa yiri “Markabka Oruç Reis ee baarista oo ay wehliyaan ciidamada badda ee Turkiga, ayaa hadda maraya marinka Suweys, waxaana uu dhawaan gaari doonaa aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.Tani waxay astaan ​​u tahay bog cusub iyo sida ay nooga go’an tahay inaan horumarino kheyraadka batroolka ee Soomaaliya

Related posts

” Doorasho Inay Dhacdaa Waa Qasab ” Suldaan Xasan Oo Shaaciyay In Ay Qasab Tahay In Ay Doorasho Ka Dhacdo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Xilka Madaxwaynenimo Een Doonayo Waan U Soo Tuunbo Raacay” Murashax Cabdiraxman Ciro

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamo Cusub Oo La Wareegaya Amniga Somaliya Iyo Atmis Oo Dalka Faarujinaysa

Abdiaziz Bnnstaff