Borama News Network

Masar Iyo Eretareeya Oo Wada Qorshe Ay Itoobiya Uga Hor Istaagayaan In Ay Badda Cas Galaangal Ku Yeelato

Dalalka Masar iyo Eretareeya ayaa wada qorshe xooggan oo ay uga hortagayaan Itoobiya ay galaangal muuqda ku yeelato Badda Cas, labadaan oo dareemaya culeyska uga imaan kara Addis Ababa ayaa xoojiyay isbaheysigooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty oo Magaalada Asmara kula kulmay Madaxweynaha Eretareeya Isaias Afwerki isaga oo u gudbiyay fariinta uu ka siday Madaxweyne Cabdifitaax Al-Sisi oo ahayd diidmadooda dhaqdhaqaaqa Itoobiya.

Eretareeya waxaa Itoobiya kala dhaxeeya Dagaal siyaasadeed tan iyo markii labada dhinac ay kala go’een waa 1993dii, waxaa dhexmaray dagaallo qaraar oo dhinaca xuduudda ah oo Xukuumadda Addis Ababa libin ka gaari waysay.

Asmara ayaa u aragta in haddii Itoobiya ay yeelato ciidan bad oo haysta maraakiib iyo hub casri ah in meesha keliya ay ku dooleyso Addis Ababa ay tahay dhankeeda sidaas awgeed ay ku dedaaleyso sidii ay uga hortagi lahayd.

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo dhacda Waqooyiga Qaaradda Afrika ayaa qudheeda waxa ay Itoobiya oo Bariga ah isku hayaan isticmaalka Biyaha Wabiga Nile, xiisaddooda way sii korodhay sanadihii u dambeeyay.

Related posts

Somaliland Oo Markii Ugu HoraysayLaga Hirgalinayo Qalab Cusub Loogu Talo Galay Dalxiiska

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaal buuxa miyuu isu beddeli doonaa iska hor imaadkii dhex maray Xisbullah iyo Israa’iil?

Abdiaziz Bnnstaff

“Xataa Daahir Riyaale Haduu Been Sheego Beentiisu Waa Xadiis” Murashax C/rashiid Ducaale

Abdiaziz Bnnstaff