Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali oo ku sugan dalka Ciraaq ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Masar Dr. Badr Cabdulcaati.
Labada Mas’uul oo ku kulmay shir-madaxeedka 34-aad ee Jaamacadda Carabta ayaa ka wada hadlay iskaashiga dalalka Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinaca Amniga.
Sidoo kale, waxaa ay isku soo hadal qaadeen Kaalinta ciidanka Masaarida ee Howlgalka AUSSOM iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah AS.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidanka Masar ay kaalin ka qaadan doonaan Howlgalka, isaga oo uga mahad celiyay dadaallada nafhurnimada ah.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Cabdulcaati ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.
“Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee Qaahira bishii Janaayo 2025 waxay sare u qaadday xiriirka labada dal ilaa heerka iskaashi istaraatiiji ah. Masar waxay mar walba u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri Dr. Cabdulcaati.
Wuxuu intaas ku daray in xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay nabadda gobolka, isagoo carabka ku adkeeyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay taageerada dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliyeed iyo tababaridda ciidanka.