Borama News Network

Masar oo ka hadashay wararka sheegaya in nus milyan reer Qaza ah dalkeeda loo rarayo

Waaxda Warfaafinta Dawladda Masar (SIS) ayaa beenisay wararka sheegaya in Masar ay diyaar u tahay “in ay dib u dejin u sameyso nus milyan reer Qazaan ah” dhulkeeda.

Hadalka Masar ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr wargeys oo ay ku jiraan kuwa Israa’iil ay daabaceen wararkan.

Madaxweyne Sisi ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu diyaar u yahay in nus malyanFalastiiniyiin ah uu ka soo wareejiyo Qaza una wareejiyo dhulka Masar.

War qoraal ah oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Bariga Dhexe ee Masar, Qaahira “si buuxda ayay u beenisay eedaymaha ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo la xiriiray inay diyaar u yihiin inay si ku meel gaar ah u rarto nus milyan qof oo degan Qaza islamarkana la gaynayo magaalo loo cayimay oo ku taal waqooyiga Sinai, taasoo qayb ka ah dib u dhiska marinka Qaza.
Wargeysku waxaa warbixintiisa ku soo beegmaysaa hadal uu yiri Wasiirka Difaaca Israa’iil Yisrael Katz, kaas oo tilmaamay in la fulinayo qorshe uu soo jeediyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo lagu horumarinayo Qaza xilli ay Israa’iil duqaymo ka waddoi dhulkaas.

Waaxda Warfaafinta Dawladda (SIS) ayaa ku tilmaamay wararkan been-abuur aan sal iyo raad lahayn, “kuwaaso asal ahaan iyo gebi ahaanba ka soo horjeeda mawqifka adag ee Masar, kaas oo ay ku dhawaaqday tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka lagu baabi’inayo Gaza ee Oktoobar 2023,.

Masar ayaa xustay in ay si cad gebi ahaanba u diidaya isku day kasta oo lagu doonayo in lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza, xoog ama si ikhtiyaarkooda ah “.

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa Jimcihii sheegay in ciidamadu ay sii kordhinayaan cadaadiska ay ku hayaan Xamaas si kasta oo lagama maarmaan ah si ay u sii daayaan la haystayaasha harsan, ayna bilaabaan fulinta qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Katz ayaa sidoo kale ku hanjabay in goosan doonaan qaybo ka mid ah marinka Qaza ilaa Xamaas ay sii daayaan la haystayaasha Israel ee haray.

“Waxaan amar ku bixiyay in (ciidanka) ay qabsadaan dhul badan oo Gaza ku yaala, haddii ay Xamaas diidaana inay sii daayaan la haystayaasha, dhul badan ayay waayi doonaan sababtoo ah Israa’iil ayaa ku darsan doonta,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Waxa uu tilmaamay in haddii Xamaas ay u hoggaansami weydo, uu “ballaarin doono aagagga difaaca ee Gaza si loo ilaaliyo rayidka iyo askarta Israa’iil iyada oo loo marayo haysahso joogtada ah ee Israel ee aagga.”

Israa’iil ayaa dib u billowday duqeymihii ba’an ee ay ku haysay Gaza Talaadadii lasoo dhaafay, iyadoo sabab uga dhigaysa ismari-waaga wadahadallada aan tooska ahayn ee ku aaddan tallaabooyinka xiga ee xabbad-joojinta, kaasoo dhammaaday horraantii bishan kaddib wajigii koowaad.

Dib u soo celinta howlgallada milatari ayaa ku timid iada o la kaashanayo maamulka Trump waxayna dhalisay cambaareyn ballaaran.

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa bayaan muuqaal ah oo uu soo saaray Khamiistii ku muujiyay walaaca uu ka qabo ficillada dowladda, isaga oo sheegay in aysan “macquul ahayn in dib loo bilaabo dagaalka inta aan sii wadno howlgalkeenna muqaddaska ah ee ah in aan la haysatayaasheena ku celinno guryahooda”.
Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa isugu soo baxay maalmihii la soo dhaafay magaalada Quddus, waxayna ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu inuu dib u billaabay howlgallada militari “iyadoo aan la tixgelinayn badbaadada la haystayaasha”.

Ilaa 58 Israa’iiliyiin ah ayaa weli lagu hayaa Gaza, kuwaas oo ka mid ah 251 la haystayaal ah oo ay Xamaas ku qafaasheen 7-dii Oktoobar, 2023, magaalooyinka Israa’iil, oo ay ku jiraan 34 qof oo ay maamulka Israa’iil sheegeen in lagu dilay Marinka.

Dhanka kale, Difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa ku dhawaaqay in ugu yaraan 504 qof ay ku dhinteen tan iyo markii ay duqeynta dib u billaabatay, taasoo ka mid ah tiradii ugu badneyd ee la diiwaan geliyo tan iyo markii uu dagaalka billowday in ka badan 17 bilood.

Xamaas ayaa sheegtay inay sii wadayaan ka hadalka soo jeedinta Steve Witkoff oo ah ergeyga madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u qaabilsan Israa’iil iyo soo jeedin kale oo looga gol leeyahay in lagu gaaro heshiis lagu sii daayo “maxaabiista”, lana soo afjaro dagaalka Gaza, iyo in ciidamada Israa’iil laga saaro Marinka.

Related posts

“Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi maanta way siman yihiin, indho doorasho lagu galayaana ma jirto,”Gudoomiyaha Ururka KAAH ee Gobalka Daad Madheedh.

Abdiaziz Bnnstaff

Dawladda Federaalka oo carabta garab uga dooneysa doonisteeda xubinimada Golaha Amaanka

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Damaca Itoobiya Ee Bada Somaliya Uu Fursad u Noqon Karo ‘AS’.

Abdiaziz Bnnstaff