Borama News Network

Masar Oo Walaac Ka muujisay Hoos u Dhac Ku Yimaada Isticmaalka Marin Biyoodka Suez Canal

Kadib duqaymihii ugu dambeeyey ee ciidamada Maraykanka iyo Britian ay la beegsadeen kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, iyaga oo ka jawaabaya weerarada ay kooxdaasi ku qaadeen maraakiibta maraya biyaha badda cas, ayaa falanqeeyayaasha u dhashay dalka Masar waxay walaac ka muujinayaan, inay sii kordhaan weeraradaasi, taasi oo keeni karta inuu hoos u dhaco isticmaalka marin biyoodka Suez Canal.

Tallaabadan ayaa dhaawac u geysan doonta dhaqaalaha liicliicaya ee dalka Masar iyo guud ahaan kan caalamkaba.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarradan ay yihiin kuwo ay garab istaag ugu muujinayana Falastiiniyiinta. Warbixin ay arrintan ka qortay VOA, waxaa innoo soo koobaya Ismaaciil Xuseen Farjar.

 

 

Related posts

Wadamada Carabta Iyo Bartamaha Aasiya Oo Dowlada Somaliya Ku Garab Istaagay Ilaalinta Madaxbannaanida Iyo Wadajirka.

Warbixin: wax ka ogow Waraabaha ugu Halista badan ee ku nool Somaliland.

Abdiaziz Bnnstaff

Komishanka Doorashooyinka Qaranak JSL ayaa maanta tababar u furay hawlwadeenada heer-gobol iyo heer-degmo ee KDQ.

Abdiaziz Bnnstaff