Borama News Network

Maxaa isbaddel ah oo lagu sameeyay sanadkaan qaabka loo qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare?

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wax ka baddel ku samaysay qaabkii ay u qaadaysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare (Fasalka 12) si gaar ah macallimiinta qaadaysa Imtixaanka.

Agaasimaha guud ee waxbarashada & barbaarinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanka shahaadiga ee Fasalka 12aad Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa sheegay in sanadihii hore ay wax ka qaadayeen Imtixaanka Macallin bannaanka ka ah Wasaaraddaan.

Sanadkaan ayuu sheegay in aanay jirin Macallin ka baxsan xeendaabka Wasaaradda Waxbarashada oo aan kamid ahayn Shaqaalaha Wasaaradda oo qayb ka ah qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare.

Dr Cabdullaahi Cabdi Cumar, Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12aad ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ay qaadatay kaalinteeda ku aaddan in ay diyaariso Macallimiinta u diiwaangashan si ay u qaadaan Imtixaanka sanadkaan.

“Hal arrin oo laga yaabo in ay sanadkaan cusub tahay ayay Wasaaradda Waxbarashada soo kordhisay waana in baryihii hore ay Imtixaanka wax ka qaadi jireen Dad aan Dowladda ama Wasaaradda u shaqayn oo ku jira Bah-wadaagta Waxbarashada oo runtii qayb ka qaatay in ay soo dhisaan nidaamka Waxbarashada balse Sanadkaan waala-gaddiyay oo waxaa diyaar ah oo qaadaya Dad katirsan Wasaaradda” Dr Cabdullaahi Cabdi Cumar.

Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri: “Dadka aadaya Gobollada Cid kale oo la socota ma jirto, dhammaantood waa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ha ahaadaan kuwa ka shaqeeya Xafiiska Dhexe, Ha ahaadaan kuwa Jaamacadda Ummadda, Akadeemiyada, Maktabada & Madxafka, taas waxa ay ku tusinaysaa in Waxbarashadu ka shaqeeyaan Dadkii loogu talagalay Mustaqbal”.

22ka Juun 2024 oo ku beegsan Sabtida waxaa billaabanaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare (Fasalka 12aad), Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ardayda ku wargelisay in ay u diyaargaroobaan Imtixaankaas ay ku qaadanayaan Shahaadada haddii ay ku baasaan.

Related posts

Xamaas Oo Israaiil Ka Diiday In Loo Gacan-Geliyo Dawooyin Ay u Baahan Yihiin Maxaabiista Yuhuudda Ah Ee Gacantooda Ku Jira.

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada Dadka Ku Dhintay Xajka Oo La Shaaciyay In Ay Kor Dhaafeen Kun Qof Imisa Qof Ayaana Somali Ah?

Abdiaziz Bnnstaff

Duqa Muqdisho Oo Ciyaartoyda Gobolka Banaadir Kula Dardaarmay In Ay Difaacdaan Koobka Dowlad-Goboleedyada Iyo Banaadir.

Abdiaziz Bnnstaff