Warbixin baaritaan oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daaha ka rogtay in madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-Asad uu lacag iyo agab qaali ah ku dhoofiyay diyaarad khaas 48 saacadood ka hor markii xukunka laga tuuray taliskiisa, iyo weliba sida uu u dhoofiyay dukumninti sir ah oo la xiriira shabakadiisa ganacsi.
Warbixinta ayaa faahfaahisay doorka uu arrintan ku lahaa Yassar Ibrahim, Lataliyaha dhaqaalaha ee Asad kaas oo soo kireeyay diyaarad gaar ah oo lagu qaaday agabka muhiimka ah ee Asad, xubno ka tirsan qoyskiisa, gacanyarayaashiisa iyo shaqaalaha qasrig madaxtooyada kuwaa oo afar diyaarad loogu duuliyay dalka Imaaraatka Carabta, sida lagu sheegay warbixinta ay soo ururisay wakaaladda wararka ee Reuters oo ku salaysan in ka badan toban ilood.
Warbixintu waxa ay sheegtay in Ibraahim oo madax ka ahaa xafiiska dhaqaalaha iyo maaliyadda ee madaxtooyada xilligii xukuumadda Asad, uu kaalin mug leh ka qaatay samaynta shabakad ganacsi oo uu Assad u isticmaali jiray in uu ku hantiyo qaybo badan oo ka mid ah dhaqaalaha Suuriya. Waxa inta badan loo arki jiray mid aad ugu dhaw madaxweynihii hore, sida lagasoo xigtay ogeysiisyada cunaqabateynta Mareykanka, khubarada dhaqaalaha Suuriya, iyo isha ku jirta shabakadda ganacsiga ee Asad.
Wadamada reer-galbeedka ayaa cunaqabatayn kusoo rogay Asad ka dib markii uu si xun u xakameeyay dibadbaxyada looga soo horjeeday dowladda 2011kii, waxaana cunaqabateyntaas markii dambe lagu daray Ibraahim taageerada uu u hayo taliska darteed.
Falanqaynta ay wakaaladda wararka ee Reuters ku samaysay xogta duullimaadyada ayaa muujinaysa in diyaaradda Embraer Legacy 600 ee ka diiwaan gashan Gambia, lambarkeeduna yahay C5-SKY, ay afar duulimaad oo xiriir ah ku tagtay Suuriya 48 saacadood ka hor intii aanan taliska Asad la ridin.
Duullimaadkii afaraad ee diyaaradda ayaa ka ambabaxday saldhigga Ruushka ee Hmeimim oo ku yaala meel u dhaw magaalada Latakia ee xeebta Mediterranean-ka ee Suuriya, 8-dii December, sida laga soo xigtay xogta la socodka duulimaadka sawirrada dayax-gacmeedka iyo xog sirdoon oo hore oo ciidamada cirka ah oo si toos ah wax uga ogayd hawlgalka iyo warbixinada. Isla maalintaas ayay ahayd markii Asad uu isla saldhiggaas ka ambabaxay oo uu aaday Ruushka.
Waa markii ugu horreysay oo la shaaciyo faah-faahin ku saabsan hantida Bashaar Al Assad ee laga qaaday mdalka Siiriya. Wakaaladda wararka ee Reuters ayey u suurta gashay in ay wareysato 14 qof oo Suuriyaan ah oo aqoon u leh howlgalka, oo ay ku jiraan shaqaalaha garoonka diyaaradaha, dhowr sarkaal oo horey uga tirsanaan jiray sirdoonka iyo ilaalada madaxtooyada, iyo ilo xiriir la leh shabakadda ganacsiga ee Asad.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa dib u eegtay wada sheekeysi barta WhatsApp ah oo dhexmaray gacanyarayaasha Ibrahim, iyo sidoo kale xogta la socodka duulimaadka, sawirada dayax-gacmeedka, iyo diiwaanka lahaanshaha shirkadaha iyo diyaaradaha ee ka diiwaan gashan seddex qaaradood, si ay usoo koobaan sida kaaliyaasha Assad ugu dhow ay u xaqiijiyeen marinka nabdoon ee diyaaradda.
Reuters ma aanay awoodin inay la xiriirto Ibraahim si uu uga hadlo arintan. Wasaaradaha arrimaha Dibadda ee Ruushka iyo Imaaraadka ayaan sidoo kale ka jawaabin codsiyo ku saabsan howlgalka
Sarkaal sare oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in xukuumadda madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya Axmed Al-Sharaa ay doonayso in ay dib u soo ceshato hantidii dadwaynaha ee dibadaha loo xawilay ka hor inta aan la riddin Asad, isla markaana ay u isticmaasho in lagu taageero dhaqaalaha Suuriya oo ay saarantahay cunaqabatayn adag kaas oo lacag yari ay soo food saartay.
Reuters ma aanay awoodin in ay si madax banaan u xaqiijiso in Asad uu si shaqsi ah u kormeeray howlgalka. Si kastaba ha ahaatee, ilo-wareedyo dhowr ah oo xog-ogaal u ah warbixinta hawlgalka ayaa sheegay in aanu howlgalkaasi dhici lahayn haddii uusan ogolaansho ka haysan Asad.
Taliye sare oo hore oo ka tirsan Ilaalada Jamhuuriga ayaa xusay in ku lug lahaanshaha ilaalada Jamhuuriga ay la macno tahay in “Bashaar Al-Asad uu soo saaray awaamiirta” howlgalka, isaga oo intaa ku daray in Ilaalada ay amar ka heleen oo kaliya taliyahooda Talaal Makhlouf ama Assad laftiisa.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in madaxa ammaanka garoonka Ghadir Ali uu ku wargeliyay shaqaalaha garoonka in xubno ka tirsan ciidamada sirdoonka hawada ay iyagu maamuli doonaan diyaaradda, sida uu sheegay Mohammad Qayrut oo ah agaasimaha howlgallada dhulka ee diyaaradda Suuriya.
Warbixinta ayaa sheegtay in, Ghadir Cali uu sheegay : “Diyaaraddani way soo degi doontaa, annaguna waannu la macaamilaynaa, adinkuna weligiin ma aydan arag diyaaraddan.”
Saddex ka mid ah saraakiisha garoonka diyaaradaha iyo sarkaalkii hore ee sirdoonka ayaa sheegay in Cali oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka ciidamada cirka uu amarka si toos ah uga helay madaxtooyada.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay la xiriirto Cali si uu jawaab uga bixiyo.