Borama News Network

Maxaa Lagaga Hadlaynaa Kulanka Xasaasiga Ah Ee Baarlamaanka Somaliya

Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeellanaya kulan hadal-hayn badan sii dhaliyay marka la eego qodobka diiradda saaran ee la xiriira arrimaha Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka.

Sida lagu wargeliyay Xildhibaannada & Senatarrada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kulankooda maanta waxa ay aqrinta 3aad & u codaynta marinayaan ‘Ansixinta habraaca waxkabaddalka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka‘.

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arrintaan aanay u baahnayn in lagu degdego iyaga oo faah-faahin ka bixiyay sababta ay u diidan yahay in xiligaan la ansixiyo waxkabaddalka Dastuurka.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in sababta ay u diidayaan fadhiga wadajirka ah ee Labada uu yahay in aanay jirin habraac ay ku midaysan yihiin una gudbiyeen Guddoonkooda waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay xeendaab aan laga tallaabi Karin ka dhigteen in marka hore loo baahan yahay in la helo habraac midaynaya fadhiga wadajirka ee Labada Gole ilaa inta laga helayana aanay sharci ahayn sida ay ku doodeen Xildhibaannada diidan kulankaan maanta.

Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kulankooda maanta uu qabsoomayo sidaas awgeed mudanihii dood ka qabana uu fadhiga ka sheego.0

Related posts

Biden Ma Waxa Uu Ku Ciyaarayaa Dab Mase Waxa Uu Qarka u Saaranyahay Kicinta Dagaalka Saddexaad Ee Dunida

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Agaasimaha CID -da Maraykan Uu Safar Qarsoodi Ah Ku Yimid Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

“Dadka Codkooda Ayaanu Doonaynaa Anagoo Sheeganayna Waxaanu Qabanay” Madawxeyne Biixi

Abdiaziz Bnnstaff