Malaayiin qof oo dunida dacalladeeda kala jooga ayaa u dabaal degaya sannad-dayaxeedka cusub ee Shiinaha. Xafladdan ayaa sidoo kale loogu yeeraa sannadkii Maska.
Shiinuhu waxay rumaysan yihiin in Masasku ay yihiin astaan u taagan xikmad. Sidaa darteed ayaa sannadkan loogu magac daray sannadkii Maska, sababtoo ah waxay rajaynayaan inuu noqdo sannad xikmad iyo barwaaqo badan.
Shiinuhu waxay leeyihiin “Haddii aad dhalatay sannadkan oo kale … hambalyo”. Sida uu dhigayo dhaqanka Shiinaha, waxaa jira dad aan ku faraxsanayn, sababtoo ah waxay rumaysan yihiin in hadii 12 sano ka dib soo laabto uu la soo noqonayo nasiib xumo.
Haddaba inuu qofku dhasho wakhtigan oo kale, waxaa la sheegaa inuu ku xadgudbayo “ilaaha da’da” Tai Sui.
Waxay aaminsan yihiin inay jirto hal qaab oo looga fogaado nasiib xumadaas. Waana in la xirto dhar gabi ahaan gaduud ah (casaan ah) oo kaliya, kuwaasoo ay ku jiraan dharka hoosta laga gashto iyo sigsaanta, lana xirto maalin kasta.
Waxay rumaysan yihiin in midabka noocaas ah uu eryayo sharta laga yaabo inay qofka soo wajahdo.
Waxaa xusid mudan in haddii qofku u dhashay 2013, 2001, 1989, 1977, 1965, 1953, 1941 ama 1929 uu yahay qof dhashay sannad xun.
Dhar casaan ah oo kaliya ayaa sharta ka hor istaagi kara qofka sida ay Shiinuhu aaminsan yihiin.
Waxay kaloo shiinuhu xirtaan waxyaabaha la isku qurxiyo oo gaduud ah, kuwaasoo ay ku xirtaan gacmaha ayadoo sida Maska loo ekaysiiyey. Dadka Shiinaha ee aan arrimahan aaminsanayn iyagu si caadi ah ayey isaga labistaan.
Sannad dayaxeedkan waxaa kale oo laga xusay Kuuriyada Koofureed, Vietnam iyo dalal kale. Xilliga sannadka cusub ayey qoysaska, ehelada iyo asxaabta isku yimaadaan iyagoo si diirran u wada damaashaadaya.
Cunno fara badan ayaa la diyaariyaa, qof walbana maqsuud ayuu noqdaa dalal badano o Aasiya ku yaalla. Dalka Vietnam oo kale, ciiddan waxaa lom yaqaannaa Tet, Kuuriyada Koofureedna waxaa looga yaqaannaa Seoul.
Maalmaha ciidaha, carruurtu waxay xirtaan dhar dhaqameed cusub oo la soo iibsaday. Waxay ku labbisteen dhar cusub oo reerku u soo iibiyeen, waxayna jilba joogsadaan odayaasha hortooda si ay u qabtaan xaflad loo yaqaan Hanbok.
Markaas odayaashu waxay bixiyaan Saba’etdon. Taas macnaheedu waa barako iyo xoogaa lacag caddaan ah oo gacanta lagu hayo. Waxay la macno tahay inay helaan barako.
Mid ka mid ah dadka Kuuriya ayaa sheegay in ay la yaab lahayd in uu qaato toddobo dollar markii uu yaraa. Hadda hadyada dadka waayeelka ah waxay gaadhay $40.
Singapore iyo Malaysia oo kale, dad badan ayaa wax ku cuna miis weyn uu cunno lagu camiro. Waa saxan laga buuxiyey miraha iyo khudaarta, sida carsaanyo iyo kalluun.
Saxanka waxaa dhaqan ahaan loo yaqaan ‘Lohei’, Waxay aaminsan yihiin in cunista cuntooyinkan ay keenaan nasiib wacan.
Tusaale ahaan, kalluunka lagu daray saxanka ayaa la rumeysan yahay inuu u keeno barwaaqo.
Cuntooyinkaas waxaa loo tuuraa cirka si ay isugu darmaan. Fikradda ka dambaysa ayaa waxay tahay in haddii aad kor ugu kacaan, oo dabadeedna lagu qaso biyaha sauna ay noqonayso in nasiib wanaagsan u qofku helo.
Inta lagu jiro xilliga fasaxa, gaar ahaan dadka waaweyn waxay ku duubaan lacagta caddaanka ah maryo basali ah waxayna siiyaan qof ay jecel yihiin.
Waxaa kaloo jira shirkado hadsiyado noocan oo kale ah siiya shaqaalahooda. Balse xisbiga shuuciga ee Shiinaha ayaa uga digay kaadiriintiisa in ay qaataan hadyado kasta oo ku duudduuban maryo buluug ah.