Borama News Network

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxwayne Xasan Sheekh Maxmuud Iyo Madaxwayne Isaisas Afwerki Oo Kulan Ku Yeeshay Asmara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki.

Labada Madaxweyne ayaa kulanka ay yeesheen uga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal, Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteriya  Isaias Afwerki dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka Al-Shabaab.

Kulanka kadib labada Madaxweyne ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteriya.

Related posts

Gobolo Ka Mid Ah Dalka Sucuudiga Oo Baraf Xoogani Ka Da’ayo

Abdiaziz Bnnstaff

Ugu yaraan 15 ruux oo Xannuunka Jadeecada ugu geeriyootay Gobolka Amxaarada

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaarihii Dalka Slocakia Oo La Toogtay Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Toogashadaasi

Abdiaziz Bnnstaff