Borama News Network

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamsa & Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer.

Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika  ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaarka ah ayaa kulanka inta uu socday waxa ay meel isla dhigeen arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda gobolka iyo xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Mareykanku ku taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , la dagaallanka Al-Shabaab iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, iyo midnimada dadka iyo dhulka Jamhuuriyadda   Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Cabdiraxman Ciro Oo Xilka Loo Dhaariyay

Abdiaziz Bnnstaff

Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Dalka Maraykanka Iyo Rakaabkii Saarnaa Diyaaradaha Oo La Raadinayo

Abdiaziz Bnnstaff

Nin xaaskiisii hore si loo xidho gaadhiga xashiish u dhexgeliyay oo isagii la xidhay

Abdiaziz Bnnstaff