Borama News Network

Maxay kawada hadlayaan Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya Iyo Jabuuti?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ku sugan Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Dileita Mohamed Dileita.

Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa iska xog-waraysan doonna xiriirka ku qotoma wadashaqaynta labada dhinac iyo is dhaafsiga aqoon kororsiga sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Guddiga loo xilsaaray xoojinta xiriirka iyo walaaltinimada ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya & Jabuuti ayaa kulamo ay wada qaateen uga arrinsadeen sidii loo kordhin lahaa fadhiyada dhexdooda iyo kan guddoonkooda.

Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u magacaabay Guddiyo ka shaqeeya xoojinta xiriirka ay wadaagaan Baarlamaanno Dalal kala duwan waxaana socda kulamada dhinacyadaas ay wada leeyihiin.

Related posts

Dowlada Malaayiin Dolar Ku Bixinaysa In Ay Haweenku Dhalaan Iyo Dumarkii Dalkaasi Oo Lagu Kariyaayay Dalmada

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Qodobada Ay Ku Heshiiyeen Ururka Kaah Iyo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamada Sare ee Ciidamada oo dil ku xukuntay Askarigii dilay Taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge

Mustafe haji