Borama News Network

Maxay Kawada Hadleen Madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Danjiraha Ruushka Ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Ruushka Mikhail Golovanov iyaga oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, Amniga, Iskaashiga iyo qodobo kale.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha Ruushka ee arrimaha Soomaaliya ay sidoo kale isku soo hadal qaadeen dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Danjire Golovanov ayaa tilmaamay in Dowladdiisa ay diyaar u tahay kordhinta cilaaqaadka ku dhisan iskaashiga, Amniga & xiriirka Caalamiga ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya si labada Jamhuuriyad ay u gaaraan yoolka ay hiigsanayaan.

Dowladda Federaalka Ruushka ayaa dhowaan Soomaaliya ka gacansiisay gargaarka bani aadamnimo iyada oo Moscow ay shaacisay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya dhiggeeda Muqdisho sida hadalka loo dhigay.

Related posts

“Caqligii Hartiga Keeni Laa Caaqil Kugu Beeg “Abwaan Dhako Oo Gabay Kula Dardaarmay Madaxwaynaha

Abdiaziz Bnnstaff

“Kulmiye Weligay Ma noqon Anigu, Waddanina…” Guddoomiyaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka

Abdiaziz Bnnstaff

Waxaa La Kala Dooranayaa Burburin Iyo Badbaado” Ex Wasiir Cabdi Cismaan Dhegawayne

Abdiaziz Bnnstaff